Ganacsade lagu dilay Gudaha Magaalada Hargeysa ee Soomaaliland

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ee deegaanada Maamulka Soomaaliland lagu dilay mid kamid ah Ganacsatada Magaalada Hargeysa xili uu ku sugnaa Goobtiisa Ganacsi oo ku taala Gudahada Magaalada Hargeysa.

Ninka la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay Farxaan Maxamed Aadan (Casaanyo) waxana la sheegay in uu ahaa kuwa ka Ganacsada Dharka islamarkaana dilkiisa loo adeegsaday Tooeey.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in Ganacsdahaas uu dilkiisa ka dambeeyay isla mid kamid ah Gnacsaatda oo deris la ahaa kadib markii xoogaa uu khilaaf soo kala dhex galay.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa markiiba ku guulaystay inay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglihii dilka gaystay xalay,waxaana maydka marxuunkan la geeyay Isbitaalka magaalada Hargeysa.

Waa Dhaco ku Cusub deegaanada maamulka Soomaaliland taas oo ilaa iyo ahda ay hadal hayaan Shacabka Magaalada Hargeysa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media