Ganacsade Kenyan lala xiriirinayo weerarkii Alshabaab ee Deegaanka Mpeketoni oo la sii daayey.

Maxkamadda Sare ee magaalladda Mombasa ee dalka Kenya waxay maanta amartay in la sii daayo Ganacsade Mahadi Sawalah iyo Dareewalkiisa Dayana Saalim, kadib, markii lagu waayey inay taageereen weerar ay Alshabaab labo sanno ka hor ku qaadeen Deegaanka Mpeketoni ee Laamu, oo lagu dilay in ka badan 48 qof.

Garsoore Martin Muya ayaa xukunkaasi riday, kadib, markii la waayey caddaymo muujinaya Kiiska lagu soo oogay Ganacsadaha iyo Dareewalkiisa.

Maxkamadda Mombasa waxay kaloo sii daysay labo kale oo iyagana lagu waayey inay Alshabaab ku taageereen weerarkaasi oo dhacay bishii June 15-dii ee sannadkii 2014-kii.

Alshabaab waxay horey ugu goodiyeen inay weeraro ka fulin doonaan gudaha Kenya tan iyo inta Ciiddanka Kenya laga soo saarayo gudaha Somalia.

Ciiddanka Kenya waxay gudaha Somalia soo galeen bishii Oktober 16-dii ee sannadkii 2011-kii, waxayna ilaa iyo haatan ku sugan yihiin qeybo ka mid ah Goballadda Jubbooyinka iyo Gedo.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor