Ganacsade C/kariim Ooyaaye oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho (sawirro)

Munaasabad lagu soo dhaweynayay ganacsade C/kariim Ooyaaye oo ay kasoo qeybgaleen qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa maanta ka dhacday degmadda boondheere.

dadkii kasoo qeybgalay munaasabadda ayaa sheegay in C/kariim uu yahay shaqsi waxbadan u qabtay shacabka soomaaliyeed waxaa ayna shaaciyeen in uu hirgaliyay goobo waxbarasho iyo ceel biyood.

Ganacsade C/kariim Ooyaaye oo la hadlay radio dalsan ayaa shegay in uu sii wadi doono wax u qabashada shacabka danta yar.

Waxaa uu sheegay in deegaano ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe uu ka hirgaliyay ceel biyood, masaajid iyo xarumo wax lagu baro caruurta agoonta.

 

IMG_0532 IMG_0556 IMG_0554 IMG_0537 IMG_0546 IMG_0549 IMG_0536 IMG_0533 IMG_0532