Nin ku labisan dareeska Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya ayaa deegaanka Tabeelasha Sheekh ibraahim ee duleedka Magaalada muqdisho waxa uu ku dilay Nin Ganacsada ah oo si aad ah looga yaqaanay halkaas.
Ninka la dilay ayaa waxaa Magaciisa lagu sheegay C/kariin C/qaadir Maxamed,iyadoo Askarigi dilay uu Goobta ka baxsaday.
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa Radio Dalsan u sheegay in ka hor dilka uu labadooda dhex maray muran aan la ogeyn waxa uu ku saleesnaa taas oo keentay in Ninka Ganacsada ah la dilo.
Askariga dilka geestay ayaa Wararka qaar waxa ay sheegayaan in uu ilaalo u ahaa taliyaha Ciidamada Nabad-Sugida deegaanka Garasbaaleey in kastoo Warkaas aan weli la xaqiijin.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Goobta gaaray walow aysan weli Gacanta ku dhigin Ninkii dilay Ninka Ganacsada ah.