Ganacsade caan ah oo lagu dhex dilay Masjid ku yaalla Heliwaa’.

Kooxo hubeysan ayaa waxay maqribnimadii xalay Ganacsade ku dhex dileen Masjid ku yaalla Degmadda Heliwaa’ ee magaalladdan Muqdisho.

Marxuumka la dilay ayaa la oran jirey Sade Mahad Dirir Guuleed (Cadcad), kaasi oo xilligii la dilay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ku dhex akhrisanayey gudaha Masjidkaasi.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay dableyda oo afar qof ka koobnaa ay dhowr xabbadood ku dhufteen Marxuumka, oo isla goobta ku geeriyooday.

Dhagar-qabayaashii geystay dilkaasi ayaa la sheegay inay ka baxsadeen Masjidka, ka hor intaysan Maamulka iyo Ciiddanka Ammaanka ee Degmadda Heliwaa’ soo gaarin Masjidka.

Allaha U Naxariistee Marxuumkaasi waxa dhalay Mahad Dirir Guuleed oo ahaan jirey Ganacsade caan ahaa oo hanti badan ku leh Muqdisho.

©Radio Dalsan