Galmudug oo Gacanta ku dhigtay dad horay dil u geestay

Ciidamada Booliiska dowlad Goboleedka Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen 5 nin oo horay dilal u geestay.

Saraakiisha Ciidamada Booliiska Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in raggaas uu ka mid yahay Nin horay u dilay Xaaskiisa,halka Afarta kale ay flkaasi Gacan ku siiyeen.

Waxay sidoo kale sheegeen in dilka uu ka dhacay degmada Goldogob oo ka tirsan Puntland, balse raggan ay u soo carareen qeybta Galmudug, sidaasina ay gacanta ugu dhigeen Ciidamada.

Ugu dambeyn waxa ay sheegn in raggaan baaritaano dheer kadib markii uu dembigaas ku cadaado loo gudbin doono dhanka degmada Galdogob oo ay maamusho Puntland.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media