Galmudug oo diyaar u ah iney la hadasho Ahlu Sunna Waljamaaca

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa sheegay in maamulkooda uu weli diyaar u yahay inuu wada hadal la yeesho Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca.

Waxa uu sheegay in inta lagu jiro bisha ay diyaarin doonan guddi wax kala socda arrimaha wada hadalka ay kula jiran Ahlu Sunna iyo qeybta dhiman sidii ay ula fariisan lahayen.

Maxamed Xaashi Carabey ayaa sido kale sheegay in Galmudug ay hore qeyb kamid ah Ahlu Sunna heshiis ula gaaren islamarkaana ay maamulkooda kamid yihiin.

Ahlu Sunna weli si rasmi ah ma aysan uga hadlin warkan ka soo baxay maamulka Galmudug.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor