Gacan-ku-dhiiglayaal Nin Somali ah ku dilay Britain oo lagu xukumay Xabsi Daa’in.

2 nin oo ka ganacsada Daroogadda ayaa shalay la soo taagay Maxkamadda magaalladda Milton Keynes ee Gobalka England ee dalka Britain, kuwaasi oo lagu soo oogay dilka Nin Somali ah oo la oran jirey Suhayb Maxamed.

Maxkamadda Luton Court oo ay joogeen 7 Garsoore Rag iyo 5 haween ah, waxay ku heshay mid ka mid ah Eedeysanayaasha oo lagu magacaabo Maxamed Nuur oo 33-jir ah inuu isagu daaqad ka soo toogtay Marxuumka.

Dacwad-ooge Justin Rouse ayaa sheegay in Marxumka 2 ilaa 3 xabbad looga dhuftay Laabta, uuna u geeriyooday dhaawacii soo gaaray.

Toogashadaasi oo dhacday bishii September 13-dii ee sannadkii hore waxaa gacan ku siiyey Eedeysane kale oo Ajnabi ah, oo lagu magacaabo Albert Prempeh,oo 35-jir ah, kaasi oo Eedeytsanaha 1-aad ku dhiirigeliyey qorshaha lagu dilay Marxumka, Suhayba Maxamed oo 19-jir ahaa.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media