Gabar Soomaali ah oo Lagu Weeraray dalka Mareykanka

Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa ilaa iyo shaley aad u hadal hayey weerar la sheegey in nin cadaan ah uu u geystey gabar Soomaali ah oo ay daris ahaayeen.

Weerarkan ayey bulshada Soomaalida iyo hay’adaha ka shaqeeya xuquuqda muslimiinta Mareykanka qaarkood waxa ay ku tilmaameen inuu ahaa mid sinji naceyb ah.

Bog dhaqaale loogu aruurinayo gabadhan ayaa durba la sameeyey, waxaana saacado gudahood ku soo gaarey lacag ka badan 60,000 oo doolar.

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Mareykaanka Donald Trump ayaa waxaa Mareykanka ku soo badanayay Islaam Naceybka isagoona xiligii uu ku jiray Ololaha doorashada uu sheegay in uu sameyn doono ficilo ka soo horjeeda dadka heesta Diinta Islaamka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media