Gabar Somali-Maraykan diiday inay Xijaab la’aan ku hawlgasho oo ay Boliska Kanada danaynayaan

Ismahan Isse oo ah Somali-Maraykan dhawaan isaga soo tegtay Akadeemiyada  Boliska ee magaalladda Kolombus, kadib, markii lagu cadaadiyey inay Xijaabka iska dhigto, ayaa waxay haatan codsi ka heshay Boliska dalka Kanada, si ay ugu biirto Boliska dalkaasi.

Sarkaal-ku-xigeen  ka tirsan Boliska magaalladda Edmonton ee Gobalka Alberta ee dalka Kanada ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan inay Ismahan Isse ka mid noqoto Ciiddanka Boliska ee Kanada.

Saddex Alifle Mark Farnell ayaa sheegay inuu akhristay qoraalkii Wargeyska The Dispatch ka qoray go’aankii ay Ismahan Isse kaga soo tagtay Akadeemiyadda Boliska ee Gobalka Ohaayo.

Waxa uu sheegay inay Boliska Edmonton diyaariyeen Labiska Haweenka Muslimiinta ka mid noqonayo Boliska, oo ay Xijaabka ama Qamaarka ka mid yihiin.

Mark Farnell  waxa uu sheegay inuu Khadka Telefoonka kula xiriiray Ismahan Isse, wuxuuna xusay inay doonayso inay noqoto Sarkaalad Bolis.

“Haddii ay danaynayso waxay noqon doontaa qofkii ugu horreeyey ee Fasax Deganaansho ka hela dalka Kanada, taasi oo hubaal ka dhigaysa shaqadeeda” ayuu yiri Mark Farnell.

Ismahan Isse oo 29-jir ah ayaa ah Khabiir ku takhasustay Garsoorka Dembiyadda (Criminal Justice) ayaa weli go’aansanin inay ka mid noqoto Boliska magaalladad Edmonton ee dalka Kanada.

Dhinaca kale, Ismahan Isse ayaa sheegtay inay la soo xiriireen Wakiilo ka tirsan Ururka Somali Maraykanka Boliska ka ah magaalladda Minneapolis, oo ay ku nool yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka.

Waxay sheegtay inay door bidayso inay ku sugnaato magaalladda Kolombas ee Gobalka Ohayo, waxayna haatan u shaqeysaa Shirkad U qaabilsan Loojistikadda “A Logistic Company”.

Xigasho: www.dispatch.com