Gabar Somali British ah oo laga mamnuucay safarka, si aysan ugu biirin Daacish

Gabar Somali haysata Baasaboorka dalka Britain oo laga mamnuucay Safarka Dibedda, si aysan ugu biirin Dacaish.

 

Maxkamadda Sare ee magaalladda Bristol ee dalka Britain ayaa ka mamnuucday gabar asalkeedu Somali yahay inay dibedda u safarto, iyadoo laga baqanayo inay ku biirto Dagaalamayaasha Daacish.

Gabadhaasi oo 17-jir ah lana qariyey magaceeda ayaa waxaa bishii April lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee magaalladda Bristol, kadib, markii la ogaaday inay wadatay Tikidh hal safar oo ay ku tegi lahayd Turkiga.

Turkiga ayaa inta badan loo sii maraa, si loogu sii gudbo dalka Syria, gaar ahaan Degaannadda ay Dagaalamayaasha Daacish ku xooggan yihiin.

Boliska ayaa la sheegay inay haatan gabadha u celiyeen Baasaboorkeeda, kadib, markii ay Maxkamadda Sare ee Britsol amartay in loo celiyo Baasaboorkeeda Britishka ah.

Garsoore Justice Hayden ayaa sheegay in gabadha loo celiyo Baasaboorkeeda, kadib, markii uu mid ka mid ah Qoyskeeda uu Boliska u sheegay inay gabadha ka qeyb geli doonto Aroos ka dhacay dalalka ka mid ah dalalka  Skandanivia.

Golaha Maamulka ee magaalladda Bristol ayaa kiiskaasi shalay u gudbiyey Maxkmaadda Sare, kadib, markii ay shaqaalaha Adeegga Bulshadad walaac xooggan ka muujiyeen arrintaasi.

Kiiskan ayaa ka mid ahaa kiisas badan oo saamayey dalka Britain, kadib, markii ay Boliska iyo shaqaalaha Bulshadda tageen Maxkamadaah, si loo joojiyo dhallinyarradda Toban jirayaasha ah ee u socdaalayo dalka Syria, si ay ugu biiraan Kooxda Daacish.

 © Warqabadka Dalsan RadioIS 3 IS 1

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor