Gabar la dhalatay Hoggaamiyaha Iiraan Ayatulah Khamenei oo weerartay xukunkiisa

Gabar la dhalatay Hoggaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cambaareysay howlgallada ka dhanka ah dibadbaxyada ka socda dalkaas, waxayna ku baaqday in Ilaalada Kacaanka ay hubka dhigaan, sida ay ku warantay warqad uu daabacay wiilkeeda.

Iran ayaa waxay la tacaaleysa deganaansho la’aan tan iyo markii Mahsa Amini, oo aheyd 22 jir Kurdish Irani ah ay ku geeriyootay gacanta booliska 16-kii September.

Badri Hosseini Khamenei, oo ku nool Iran islamarkaana la dhalatay Ayatollah Khamenei, ayaa cambaareysay xukunka wadaadada laga soo billaabo xilligii hoggaamiyaha aasaasay Jamhruuiyadda Islaamiga ah Ayatollah Ruhollah Khomeini illaa xukunka walaalkeed, sida lagu sheegay warqadda oo ku taariikheysan “December 2022”.

Ilaalada Kacaanka waa ciidamada xulka ah ee Iran, kuwaas oo ka caawiyay dalka inuu wakiilo ku yeesho Bariga Dhexe, waxayna maamulaan ganacsi baaxad weyn.

Talaadadii, Ilaalada Kacaanka ayaa soo saaray bayaan ay ugu baaqayaan hay’adaha garsoorka “in aan loo naxariisan qas-wadayaasha, tuugada iyo argagixisada,” taas oo muujineysa in maamulku aanu damacsaneyn inuu fududeeyo cadaadiska adag ee ay ku hayaan mucaaradka.

Afhayeenka garsoorka Iran, Masoud Setayeshi ayaa Talaadadii sheegay in shan qof oo lagu eedeeyay dilka xubin ka tirsan maleeshiyada Basij oo lagu magacaabay Rouhollah Ajamian lagu xukumay dil toogasho ah oo ay weli racfaan ka qaadan karaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor