Gabar 16-jir oo isku gubtay duleedka Mandera

Boliska iyo Hay’addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee magaalladda Mandera ee W/bari Kenya ayaa sheegay inay heleen gabar dhibane ah, taasi oo is-gubtay, kana muuqdaan dhaawacyadda gubashadda.

Gabadhaasi oo  magaceeda lagu soo koobay Khadiija, ahna 16-jir  ayaa la sheegay inuu garaacay ninkeeda oo lagu magacaabo Shariif Isaaq Abdulle, kadibna ay usku daadisay dab ololaya, wuxuuna Falkaasi ka dhacay Deegaanka Shimbir Fatume oo dhanka Koonfur kaga toosan Mandera

Dad arkay gabadha ayaa sheegay in la dhigay Isbitaalka Guud ee Mandera,  si looga daaweeyo dhaawacyo ka soo gaarayLaabta iyo Gacanta Midig,

Dhinaca kale, Madaxa Ammaanka ee Mandera, Alex Ole Nkoyo ayaa falkaasi ku tilmaamay mid ka baxsan Xuquuqda Aadanaha.

Waxa uu tilmaamay inay baadigoobayaan sayga haweeneyda is-gubtay, waxaana xabsiga la dhigay Caaqilkii iyo Ku-xigeenkiisa ee Deegaanka uu falkaasi ka hacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor