Gaas iyo Guuleed oo la filayo inay horkacaan Dibadbaxa Nabaddda Gaalkacyo.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland, C/kariim Xuseen Guuleed iyo C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa la filayaa inay barqanimadda maanta si wadajir ah u booqdaan Aaggaga Dagaalka ee ay isku hor fadhiyaan Ciiddankooda, si loo kala qaado.

Labada Hoggaamiye  iyo Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland ayaa waxa u qorsheysan inay hormuud ka noqdaan Socod Nabadeed oo ay si wadajir ah isugu soo baxayaan dadka ku wada nool magaalladda kala qeybsan ee Gaalkacayo.

Tallaabadan ayaa looga gon leeyahay in lagu taageero Heshiiska Nabadda ee ay Madaxda Galmudug iyo Puntland kala saxiixdeen, waxaana la filayaa inay Madaxdu ku baaqaan in laga shaqeeyo Nabadda Gaalkacyo, soona laabtaan dadii ku barakacay dagaalladii ka dhacay Gaalkacayo.

Khamiistii la soo dhaafay, iska horimaadyo lagu riiqmay ayaa waxay ka dhaceen Gaalkacyo, waxaana la sheegay inay Tobaneeyo qof ku geeriyootay.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ayaan la hubin haddii ay galangal u leeyihiin inay wada xakameeyaan Ciiddankooda iyo Maleeshiyooyin kale ee hoos taga Maamulkooda iyo Beelahooda si aysan dib ugu hurinin colaad magaalladda Gaalkacyo ama Deegaano kale.

GKD3 GKD2 GK03 GKD1 GKD

© Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor