Gaas iyo Axmed Madoobe oo ku wajahan Gaalkacayo.

Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Puntland iyo Jubbaland, C/weli Maxamed Cali Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa saakayto ku wajahan magaalladda Gaalkacayo, si ay ugu biiraan Dadaalka Nabadeynta ee ay Dowladda Federalka garwadeenka ka tahay.

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in Labadaasi Madaxweyne oo Isbahaysi Siyaasadeed iyo mid Beeleed ka dhexeeyo ka soo degi doonaan Garoonka ku yaalla Waqooyiga Gaalkacayo, si ay ugula kulmaan Ra’isul-wasaare Omar Abdirashid Ali Sharma’arke iyo Madax kale oo ka tirsan Dowladda Federalka Somalia.

Dhinaca kale, Madaxweynayaasha Galmudug iyo K/Galbeed, C/kariim Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxay ilaa iyo xalay kulan ku lahaayeen Koonfurta Gaalkacayo, iyagoo ka wada hadlay sidii Heshiis Rasmi ah looga gaari lahaa Dagaalkii Gaalkacayo.

© Radio Dalsan