Gaadiidka AMISOM Oo Jiiray Wariye Ka Tirsan Radio Muqdisho

Wariye Ka Tirsan Radio Muqdisho Gaar ahaan Idacaada Codka Ciidamadda Qalabka Sida Islamarkaana lagu Magacaabo C/raxmaan Gacan ayaa goor dhaweyd waxaa Jiiray gaari ay leeyihiin ciidamadda midowga Africa Ee AMISOM.

Wariyaha ayaa xilliga shilkan uu ku dhacayay waxaa uu marayay Wadada Makka Al Mukarama Gaar ahaan agagaarka madaxtooyadda somalia.

C/raxmaan gacan ayaa la tilmaamayaa in xaaladiisa ay hadda wanaagsan tahay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor