Gaari qaad siday oo lagu rasaaseeyey Duleedka Magalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Goordhow halkaasi lagu rasaaseeyey Gaari Hoomey oo ay saarnaayeen haween ka Ganacsada qaadka.

Nin ku labisan dareeska Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in uu raseesay gaariga oo ahaa nooca Soomaalidu u taqaano Hoomeyda,waxana goobjoogayaal ay sheegayaan in ay ku dhaawacmeen lab Haween ah,kuwaas oo la geeyey Isbitaalka Albiri oo ku yaalla agagaarka Siinka-dheer ee duleedka Muqdisho.

Gaariga Hoomeyda ah ee qaadka siday ayaa ka tegay magaalada muqdisho isaga oo ku sii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose oo uu qaadka u waday.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta Askariga uu gaariga u rasaaseeyey wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka xanaaqay Biyo dhiiqo ah oo uu gaariga ku firdhiyey Askariga,iayada oo uu goobta ka baxsaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media