Gaari miineysan oo lagu weerari lahaa Hotelka Maka Al-mukarama oo la qabtay.

Ciiddanka Hay’adda NISA waxay barqanimaddii maanta gacanta ku dhigeen Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaasi oo lala maaganaa in lagu weeraro Hotelka Maka Al-mukarama ee magaalladdan Muqdisho.

Ciiddanka waxay kaloo qabteen ninkii waday gaarigaasi, kaasi oo haatan lagu hayo baaritaano.

Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir, C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay Wakaalladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Ninka lagu qabtay gaariga miineysan uu caddeeyey inuu qorshihiisu ahaa inuu weeraro Hotelka Maka Al-mukarama.

Dhinaca kale, Ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Hotelka Maka Al-mukarama xilligaasi  ku sugnaayeen Siyaasiyiin, Mas’uuliyiin iyo xubno ka kala socday Ururadda Bulshadda, oo ka qeyb galayey Shir looga hadlayey Waxqabadkii Dowladda Federalka ee 4-tii sanno ee ay majaraha dalka haysay.

Wararka waxay kaloo sheegayaan in la joojiyey shirkii ay Ergooyinka ku lahaayeen Hotelka Maka Al-mukarama sababo dhinaca ammaanka.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media