Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in saakay aroortii duleedka degmadaas ay Miino kula qaraxday gaari ay la socdeen Dad Shacab ah.
Gaari Nooca loo yaqaano Dheenada(Denada) oo la sheegay in uu Dhuxul doonayay ayay Miinadu la kacday xili uu marayay halka loo yaqaano Haansheekh oo u dhow tuulada Gololeey ee degmada Balcad Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Qaar ka mid ah dadka ku nool degmada Balcad ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in qaraxaasi Miino uu ku dhintay Darawalkii Gaariga oo Magaciisa lagu sheegay Bishaar halka uu ku dhaawacmay Kirishboyigii Gaariga.
Qaar ka mid ah Shacabka degmada Balcad ayaa u gurmaday Gaariga ay Miinadu ku qaraxday kuwaas oo Balcad u soo qaaday dhaawacii Kirishboyga.
Wadada xiriirisa Degmada Balcad ilaa degmada Jowhar ayaa dhowr mar waxaa ka dhacay qaraxyo inta badan lala eegan jiray Gawaarida ay la socdaan ciidamada Dowladda Soomaaliya balse kan uu noqonayo Gaarigii ugu horeeyay ee dad Shacab ah ay saarnaayeen oo ay Miinadu qabsato.