Gaar ah: Saraakiil Laga Badbaadiyay Hotel Jazeera Kadib Qaraxii Al Shabab

Ila Wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay Radio Dalsan in Qaraxii Maanta  uu ka badbaaday sarkaal sarre oo ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee UNSOM oo Magaciisa lagu sheegay Cabdishakuur.

Sido kale Ciidamadda AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa Hotelka ka soo badbaadiyay 27 diblumaasiyiin ah oo uu ku jiray Danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Lucas Kyonze.

Waxa guud ahaan ku dhintay Weerarkasi 13 ruux oo uu ku jiray Wakiil Wareedkii Telefishinka Universal Ee Gobolka Gedo Maxamed Cabdikariim waxana ku dhaawacmay Wariye Salmaan Jamaal Saciid oo isagana ka shaqeeya Universal TV.

Dhinaca kale waxa hotelkasi laga bixiyay Shaqaalihii Kenyanka ee joogay Hotelka marka uu Qaraxa dhacay sida uu Dalsan u xaqiijiyay Maamulaha Hotelka Justus Kisaulu.

SECOND THIRDORIGINAL

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor