Gaar Ah: Muwaadin U Dhalatay Dalka Holland oo Shalay Isku Qarxisay Hotelka Central

Idaacadda Dalsan ayaa ogaatay in Qofkii Shalay isku qarxiyay Hotelka Central  ee Magaaladda Muqdisho ay kamid ahayd Shaqaalaha Hotelka gaar ahaan qeybta Soo dhaweynta ee loo yaqaano (Reception) islamarkaana ay tahay Qof u dhalatay Dalka Holland.

Dad ka badan 25 qof ayaa halkasi ku dhimatay oo ay ku jireen Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya waxana ku dhawaacmay xubno sar sare oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Il Wareed Xaqiiq ah ayaa Radio Dalsan u sheegay IN Weli Baaritaano Badan ay socdaan.

Shaqaale oo katirsan Hotelka shalay qaraxa uu ka dhacay ayaa la xeray si Nabadsugida Soomaaliya ay si sahlan Baaritaanka ay u sameeyeen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor