Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid Sharmaarke,Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland iyo Mas’uuliyiin kale ayaa waxay maanta markii ugu horreysay si wadajir ah booqasho Farxadeed ugu kala gudbeen Waqooyiga iyo Koonfurta Gaalkacyo.
Madaxda waxay ku wada quraacdeen Koonfurta Gaalkacyo, kadibna waxay Qaddadii ku wada yeesheen Waqooyiga Gaalkacayo, waana Casuumaad Siyaasadeed iyo mid Nabadeed.
Dadka ku nool Gaalkacyo waxay farxad ka muujiyeen Heshiiaka Madaxda Labada Maamul, waxaana maanta dib u bilowday Dhaqdhaqaaqyaddii Ganacsiga, Waxbarashadda iyo Isku-socodka Dadka iyo Gaadiidka kala xanibnaa Isbuucii hore.
Ra’isul-wasaare Sharmaarke waxa uu ka soo dhalaalay Dadaalkiisa Nabadaynta, wuxuuna ku bogaadiyey Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Galmudug, C/weli Maxamed Gaas iyo C/kariim Xuseen Guuleed hawlkarnimadda ay ka muujiyeen dadaalka loogu jiro Nabadda Gaalkacayo.
Ra’isul-wasaare Sharmaarke, waxa uu sheegay inay Maslaxadda Ummadda ku jirto Maslaxadda Siyaasadda iyo Ammaanka, wuxuuna ku baaqay in la sii adkeeyo Kalsoonida iyo Nabadda.
Dhinaca kale, Madaxweyne C/weli Maxamed Cali “Gaas” ayaa waxa uu maanta ku tallaabsaday Arrin Geesinimo leh, wuxuuna saakayto u gudbay Koonfurta Gaalkacyo, wuxuuna Shir iyo Quraac la soo qaatay dhigiisa Galmudug, C/kariim Xuseen Guuleed.
Muquaalladda laga soo qaaday Qaabilaadii Gaas ee Koonfurta Gaalkacayo ayaa waxay muujinaysaa inay Xaalladdu noqotay sidii Xalay Dhalay, iyadoo Reer Galakacyo maanta u tahay Maalin Farxadeed oo ay wada taageereen Heshiiska Nabadda.
DAAWO SAWIRADA FARXADDA MAANTA & GAALKACYO:
© Radio Dalsan