Gaafow oo Laamaha Amaanka ku wareejiyey Darawalkiisii dilay Kaaliyihii Guddoomiyaha Maxkamada

Taliyihii hore ee ciidanka Nabad sugida Soomaaliya Cabdullaahi Gaafow Maxamuud ayaa laga soo waramayaa in darawalkiisii uu ku wareejiyey laamaha amaanka ee dowladda, kaa soo horey u dilay kaaliyhii guddoomiyaha maxkamada sare oo lagu magacaabi jiray Allaha unaxariistee Mursal Aw Cumar.

Dilka marxuumka ayaa Talaadadii toddobaadkan ka dhacay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu rasaas ku furay darawalka taliyihii NISA Gaafow oo uu ugeeriyooday Marxuum Mursal Aw Cumar.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka uu yimid, kadib muran soo kala dhexgalay marxuumka iyo darawalka taliyihii nabad sugida oo la sheegay inay wada daganaayeen guri ku yaala degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Generaal Gaafow ayaa maanta ciidamada amaanka ee dowladda ku wareejiyey darwalkiisii,oo loo heesto dilka kaaliyihii guddoomiyaha maxkamada sare, si loo hor keeno cadaalada.

Allaha unaxariistee Marxuum Mursal Aw Cumar ayaa ka mid ahaa xubnaha aadka ugu dhawaa xaga shaqada guddoomiyaha maxkamada Sare Ibraahim Iidle Suleymaan.

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media