Gaadiidka Dadweynaha oo Sanad kadib isticmaalaya Wadada xiriirisa degmooyinka Xarardheere iyo Cadale

Deegaano hoostaga degmada Cadale eE Gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa booqday Masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed meyre Makaraan iyo sidoo kale Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Deegaanada ay booqdan aya ka mid ahaa Goobihii maalmihii la soo dhaafay ay ku wada dagaalameen labada Maleeshiyo Beeleed,waxaana la sheegay in masuuliyintaas ay fureen Wadada isku xirta deegmada Cadale iyo  Degmada Xarardheere ee Gobolka Galgaduud kuwaas oo ku xirmay dagaaladaii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Axmed Meyre Makaraan Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xiligaan wixii ka dambeeya sicaadi ah Wadadaas loo isticmali doono islmarkana ay fura tay.

Maanya ayaa Wararka nasoo gaaraya waxa ay sheegayaan in mudo dhowr Sano ah kadib ay bilaabatay isticmaalka wadadaas islamarkaana gadiidka qaarkood ay isticmalyeen.

Wadadaan ayaa aheyd mid howd ah Geedo badana ay ka baxayeen halka mararka qaar kooxo Burcad ah ay dadka ku dhici jireen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media