Gaadiid dagaal iyo Ciidamo ay leeyihiin Siyaasiyiin iyo Ganacsato oo Muqdisho isaga baxay

Saacadihii la soo dhaafay waxaa magalada muqdisho ka baxay ilaa Lix Gaadiidka dagaalka ah oo ay leeyihiin Ganacsato iyo siyaasiyiin Caan ah oo xilal ka soo qabtay dalka kuwaas oo gaaray Magaalada jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha dhexe.

Gaadiidkaan ayaa waxaa saaran Ciidamo ay leeyihiin siyaasiyiinta iyo Ganacsatada waxana la sheegay in ay ka carareen howlgalka hubka dhigista ee todobaadkii labaad  Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho ay ka wadaan Ciidamada loogu magacdaray xasilinta amniga Muqdisho.Saraakisha ka baxay caasimada si uusan hawlgalka uu saameyn waxa ka mid ah Col,Saneey oo ka mid ah taliyaasha Ciidamada xoogga dalka horayna uga dhega adeegay in Ciidamadiisa meleteriga ah uu ka saaro Magaalada muqdisho isagoo Fariisimo badan ay la haayeen qeybo kamid ah degmada Karaan iyo waliba Xaafada siisii.

Sidaas silamid ah Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyaha degmada Balcad Cismaan Xaadoole,oo iyana ku sugnaa degmada Kaaraan ayaa ka baxay Magaalada muqdisho kuwaas oo ka mid ahaa ciidamada meleteriga ee hoostaga Col,Saneey.

Ciidamada Xasilinta amniga muqdisho ayaa weli Muqdisho ka wada howlgalka ay kula dagaalamayaan dadka Hubka Culus iyo kan fudud muqdisho ku dhexwata,waxana madaxda dowladda Soomaaliya ay sheegeen in tani looga gol leeyihiin sidii loo nabadeyn lahaa Magaalada Muqdisho.

Siyaasin horay xilal uga soo qabtay dowladdihii dalka soo maray ayaa arintaan u arka kuwo keeni kara dagaalo sokeeye halka dadka qaarkood ay aaminsan yihiin in ay keeni karto in uu hagaago amniga Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Tiradaan gaaraya il Lixda Gadiidka dagaalka ah iyo Ciidamada la socda oo ay leeyihiin Siyasiyiin iyo Ganacsato ee gaaray Jowhar,ayaan weli ka hadlin madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaase xusid mudan in weli Muqdisho ku sugan yihiin Siyaasiyiin aan xilka heyn dowladda ee Hubka uu weli Gacanta ugu jiro

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media