Furitaanka Shirka Wada-tashiga Qaranka ee Kismaayo oo maanta dib u dhacay

Madaxda Maamul-gobaleedka Jubbaland ayaa shaaciyey inuu hakad ku yimid  Shirka Wada-tashiga Qaranka ee lagu waday inuu maanta ka furmo magaalladda Kismaayo.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Jubbaland, Jeneral Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay inay weli maqan yihiin qaar ka mid ah Ergooyinka ka qeyb galayo Shirkaasi.

Wasiirka oo saakayto la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee idaacadda BBC-da ayaa sheegay in la sugayo qaar ka mid ah Ergooyinka oo lagu wado inay ilaa galabta soo gaaraan Kismaayo.

Magaalladda Kismaayo waxaa ku sugan Ergooyin Calami ah oo ka qeyb galayo Shirka Wada-tashiga Qaranka ee ka furmayo Kismaayo, kaasi oo ay Madaxda Dowladda Federalka iyo kuwa Maamul-gobaleedyadda kaga wada hadli doonaan Hannaanka Mideysan ee lagu qaban doono Doorashooyinka Qaranka ee dhici doona bisha September ee sannadkan.

Dhinaca kale, Ergooyinka haatan ku sugan Kismaayo ayaa waxay leeyihiin Shirar Hordhac ah oo ay si gaar-gaar ah isku arkayaan, si ay u xaliyaan Khialaaf hoosaadyo weli ka taagan Aragtida Nidaamka ay u dhici doonaan Doorashooyinka.

©Radio Dalsan      

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor