Ford Kenya oo ku eedeeyey Saraakiisha Ciiddanka Kenya inay ku mashquuleen Ganacsiga Kontorobaanka Somalia.

Ku-xigeenka Hoggaamiyaha Xisbiga Kenya ee Soo-celinta Dimuqraadiyadda “Forum for the Resoration of Democracy”, Bonny Khalwale ayaa ku eedeeyey Maamulka Isbahaysiga Jubliee ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta inay Xasaanad siinayaan Saraakiisha Ciiddanka Kenya ee lagu eedeynayo inay ku lug leeyihiin Ganacsiga Sharci-darradda ee Sonkorta iyo Dhuxusha Somalia.

Bonny Khalwale ayaa hadalkaasi ka sheegay mar ay isaga iyo Hoggaamiyaha Xidbiga Ford Kenya, Moses Wetangula socdaalkooda Ololaha  Is-diiwaan gelinta Doorashadda ka wada Gobalka Busia, wuxuuna tilmaamay in aysan Dowladda Kenya waxba ka qabanin Askarta lagu dilayo gudaha Somalia.

“Wiilasheenna waxaa lagu dilayaa gudaha Somalia, weli Dowladda waxba kama qabanin arrintaasi. Waxaan ddoonaynaa in Wiilasheenna dib loogu soo celiyo dalkooda” ayuu yiri Bonny Khalwale.

 Waxa kale oo uu ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan Ciiddanka Kenya ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOOM looga soo saaro gudaha dalka Somalia,

 Qeylo-dhaantiisa ayaa timid, kadib, maekii ay Dagaalamayaasha Alshabaab shalay weerar qorsheysan ku ekeysiiyeen Xeradda Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Deegaanka Kul-biyow ee Gobalka J/hoose.

Xarakadd Alshabaab waxay sheegeen in 75 Askar Kenyan ah ku dileen weerarkaasi, inakstoo ay Kenya sheeganayso in 9 Askari oo keliya looga dilay Duullaankii Kul-biyow.

 ©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media