Hadal-qoraal oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Finland ayaa lagu sheegay inay in ka badan 18-million oo Pound, una dhiganta 25-million oo Dollar ugu deeqeen 5 Waddan oo Afrikaan ah, kuwaasi oo ay ka jiraan macluul ka dhalatay Abaaraha iyo Colaadaha.
Dalalka loogu deeqay Deeqdaasi ayaa kala ah Somalia, outh udan, Uganda, Ethiopia iyo Nigeria.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Finland, Kai Mykkänen ayaa ku dhawaaqay Kaalmadaasi, wuxuuna xusay in dalalka Geeska Afrika soo wajahday macluushii ugu xumayd ee Taariikhda.
Waxa uu intaasi ku daray inuu dalkiisa waajib ku tahay inay ka mid noqdaan Dowladaha bixinaya Gargaarka si loo badbaadiyo 20-million oo qof oo ay soo food saartay cunto-yari iyo biyo la’aan.
Dhinaca kale, Deeqda ay Finland ugu yaboohday dalalka Afrika, ayaa waxaa loo kala siinayaa sidatan:
Dalka South Sudan waxa la siinayaa 7.6 million oo Pound, Somalia 5.5 million oo Pound, Uganda 2.2 million oo Pound, Ethiopia 755,000 oo Pound, Nigeria waxaa la siinayaa 2 million oo Pound, si loogu gargaaro dadka ku macluulsan W/bari ee dalkaasi.
©Radio Dalsan