Finland oo dejisay qorshe lagu soo celinayo Qaxootiga doonaya inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Finland, Päivi Nerg, ayaa shaaca ka qaatay inay socdaalaan Dadaalka lagu maareynayo Duullimaadyadda Dadka Magangelyo-doonayaashii hore ee iskooda u go’aansaday in ay ku laabtaan dalalkooda hooyo.

Waxay intaasi ku dartay inay Wasaaradda Arrimaha Gudaha haatan isku duwayso Duullimaadyo ay iska kaashanayaan Safaaraddaha Shisheeyaha dadaalka Dib-u-celinta dadkaasi.

“Weli Xilli Taariikheysan lama dejinin, laakiin, haddii ay wax kasta ku socdaan qaabkii loo qorsheeyey, Duullimaadyadda ugu horreeya waxaa laga yaabaa inay bilowdaan Toddobaadka soo socda” ayey tiri Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Finland, Päivi Nerg.

Waxay intaasi ku dartay in 4,000 oo qof ayaa horey uga soo dhoofeen dalka Finland, kuwaasi oo ay sheegtay inay iska bixiyeen Kharajka Diyaaraddaha.

Mar wax laga weydiiyey Qaxootiga ay sheegtay in Rabitaankooda loogu celinayo dalalka ay u dhasheen, waxay carrabka ku dhuftay inay ka soo kala jeedaan dalalka Somalia, Afganistan iyo Ciraaq.

“Wada-xaajood  iyo Heshiis muddo dheer socday ayaan isla galnay, waxaana aad u dheeraaday Wada-hadalkii dadka u dhashay Ciraaq” ayey tiri Xoghayaha Joogtadda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Finland, Päivi Nerg.

Waxay kaloo sheegtay in inta badan dadka doonaya inay dalalkooda ku laabtaan yihiin Dhallinyarada qaangaarka ee keligooda soo socdaalay, kumana jiraan qoysaska ilmaha leh.

Sources: Yle

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor