Filim-sameeye caan ku ahaa Filimadda ka dhanka ah Daacish oo la dilay.

Naaji Jeref oo u dhashay dalka Syria ayaa lagu dilay Degmadda Gaziyaantep ee dalka Turkiga, una xuduudka dalka Syria.

Dabley aan la aqoonin ayaa la sheegay inay dilkiisa u adeegsadeen qoriga ay ka dhacaan rasaasta aan shanqartooda la maqlin.

Baaritaan ayey Hay’adaha Ammaanka Turkiga bilaabeen, iyadoo Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta ee CPJ ku baaqday in kooxihii dilay Naaji Jeref la hor keeno Sharciga.

Filim-sameeyaha la dilay waxa uu ahaa 38 jir leh 2 carruur, kana soo jeeda Degmadda Al-salaamiyah ee Galbeedka Syria.

©Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor