Filim laga duubay Iska horimaadkii Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya oo si rasmi ahaan loo baahiyey

Telefishinka ITV ee dalka Britain ayaa waxa uu markii ugu horreysay soo bandhigay Filim laga soo duubay Iska horimaadkii Dagaalamayaashii Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya  ku dhex maray duleedka Xeradda Milliteriga Kenya eeBaure ee duleedka Laamu.

Muuqaalka waxaa kaloo lagu soo bandhigay Tababarka iyo Qorshaha ay Dagaalaamayaasha Alshabaab ku weerareen Ciiddanka Kenya iyo maydadkii Alshabaab.

Muuqaalkaasi oo u gaar aha Telefishinka ITV ayaa waxaa kaloo ka muuqday Jihadistaha Britishka ee Thomas Evans iyo Dagaalyahannadda Alshabaab oo si wadajir ah u tukanayo, ka hor intaysan weerar ku qaadin Askarta Kenyaatiga.

Filimka oo la sheegay inuu asal ahaan qaaday Thomas Evans ayaa waxaa la rumeysan yahay inuu isagoo dagaalamayo uu Filimka duubayey, ka hor intaan lagu dilin iska horimaadkaasi.

Qaar ka mid ah dadka Deegaanka Mepeketoni ayaa u sheegay Telefishinka ITV inuu Thomas Evans ka mid ahaa Dagaalamayaashii Alshabaab ee sannadkii hore weerartay  Mpeketoni, laguna dilay in ka badan 70-qof.

Waa markii ugu horreysay oo ay Telefishinadda Caalamka baahiyaan Filimka laga duubay iska horimaadkaasi, inkastoo horey loo sheegay inuu Jihadiste Thomas Evans ahaa Sawir-qaadihii sida tooska ah u soo duubay Iska horimaadkii Alshabaab iyo Ciiddanka Kenya ku dhex maray duleedka Laamu.

Xigasho: ITV.com

© Warqabadka Radio Dalsanabdul 1 ABDUL 2 ABDUL 4 ABDUL 5 ABDUL 6 ABDUL 7 ABDUL 8

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor