FBI Mareekanka oo Soo Bandhigtay Sawiradda Dad Looga Shakisan yahay Weeraro Ay Hore Ugu Hanjabtay Al Shabab

Baraha bulshada qeybaheeda kala duwan ee dalka Mareykanka, ayaa lagu arkay in FBI mareykanka ay soo bandhigtay Sawirada shaqsiyaad ay si weyn ubaadi goobeyso, kuwaasoo la sheegay in loogu cabsi qabo in ay weeraro ka geystan Mall of America, oo ah suuq ay ka shaqeyaan 11 kun shaqaale kaasoo lagu sheegay suuqa ugu weyn ee dalka Mareykanka.

Dhanka kale Xoghayaha arrimaha dibada dalka mareykanka, Jeh Johson, ayaa waxaa uu shegay in ay ka feejiganyihiin werar ay dalkaasi ka geytaan al shabab, kadib markii uu soo baxay muuqal ay Al Shabab ku shegeen In ay ku weerari doonaan suuqyada ku yaala wadamada Mareykanka ,Canada iyo ingiriirska.

Mr Jonson, ayaa BBC ushegay in hanjabaadaan ay tahay wajiga cusub ee dagalka. Sidoo kale wareysi uu siiyay Telveshinka CNN ee dalka Mareykanka ayuu ku shegay in si dhab ah ay uqaadan doonaan, iyagoona durba shegay hey’addaha amaanka heegan qaarkood lagaliyay, gaar ahaan kuwa jooga gobolada ay somalida ku badantahay ee dalkaasi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor