FBI-da Maraykanka oo ku biirtay baaritaanka weerarkii Alshabaab ee Jamaacadda Garisa

Ilo ku sugan magaalladda Garissa ee W/bari ee Kenya ayaa sheegay inay Khubaro ka socota Hay’adda Dembi-baariska Federalka Maraykanka ee FBI-da soo gaareen Jamaacadda Garissa, si ay u qiimeeyaan qaabkii uu u dhacay weerarkaasi oo lagu dilay 148-qof.

Wakaalaldda Wararka ee AFP ayaa sheegtay in ay gaadiidka Safaaradda Maraykanka la arkayey iyagoo gudaha u galaya Dhismaha Jaamacadda Garissa.

Baarayaasha FBI-da ayaa la filayaa inay gacan ka geystaan baaritaanka maydadka iyo ogaanshaha Hiddo-sidaha (DNA)-da ee dagaalyahanandda Alshabaab ee ku geeriyooday Hawlgalkii Jamaacada Garissa.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya, Mawenda Najooko ayaa sheegay inay we;li socdaan baaritaanadda.

Baarayaasha FBI-da Maraykanka waxay horey Boliska Kenya bacan uga siiyeen baaritaanka weerarkii ay Alshabaab ka geysteen Westgate bishii September ee sanna dkii 2013-kii.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor