FBI-da Maraykanka oo Dukumentiyo aan la shaacinin ka qaaday Dukaan ay Soomaalida ku leeyihiin GobalkaMinnesota ee dalka Maraykanka

Saraakiil ka kala socotay Waaxda Dembi-baarista Boliska Federalka Maraykanka (FBI)-da  iyo Waaxda Beeraha ayaa baaritaano adag ku sameeyey Dukaaan lagu iibiyo Cuntada Soomaalida oo ku yaalla magaalladda Rochestar  ee Gobalka Minnesta ee dalkaasi.

Saraakiisha ayaa la sheegay inay saacado badan baarayeen goobtaasi ganacsi oo lagu magacaabo Towfiq Grocery Store.

Wargeyska Post Bulletin ayaa qoray inay Saraakiisha ka soo qadeen Dukaanka dhowr sanaadiiqda Bangiyada oo u muuqday inay ku jireen Dukumentiyo badan.

Milkiilayaasha Dukaanka oo ahaa nin iyo haweeney ku sugnaa Dukaanka markii la baarayey wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan arrintaasi.

Afhayeenka Xafiiska Xeer Ilaalinta Maraykanka ee magaalladda Minneapolis, Ben Petok wuu  ka gaabsaday inuu Saxaafadda kala hadlo arrinkaasi.

Afhayeenka Waaxda Boliska ee magaalladda Rochester ayaa sheegay inay Saraakiil deegaanka gacan ka geyteen baaritaankii ay FBI-da ku sameeyeen Dukaanka Towfiq Grocery Store.

Dhinaca kale, Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen 6 gaari oo aan qaarkood Taariko lahayn oo taagnaa albaabka Dukaanka Towfiq Grocery Store, kuwaasi oo ay wateen Saraakiishii baartay Dukaankaasi.

Lama soo sheegin dad laga soo xiray goobtaasi ganacsi oo ay Soomaalida ku leeyihiin magaalladda Rochester.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor