FARRIIN KU AADDAN MAALINTA CAALAMIGA EE HAWEENKA

Labaatan sanno ka hor, markii uu caalamku isugu yeeray shirweyne looga hadlayo xuquuqda haweenka, colaaddii lagu baaba’ay ee Yugoslavia-daii hore ayaa keentay in si mudnaan leh loogu soo jeesto kufsiga iyo dembiyada kale ee dagaallada ee loo geystay dadka rayidka ah ee halkaa joogay. Labaatan sanno ka dib, iyadoo kooxaha xagjirka ah ee colaadda waday ay bartilmaameedsadeen ayna sida hubka u adeegsadeen gabdhaha ay da’adoodu u yaraan karto ilaa toddobo sanno, waxaa si fudud looga niyadjabi karaa shirarka caalamiga. Laakiin in kastoo ay weli wax badan nooga hareen inaan gaarno sinaan buuxda – iyadoo ujeeddada udub-dhexaadkana ay tahay in la joojiyo colaadda ku saleysan jinsiga – haddana horumarka la gaaray labaatankii sanno ee la soo dhaafay wuxuu caddeeyay qiimaha aan dhammaaneynin ee Shirkii Beijing ee Haweenka ee 1995.

Tan iyo markii la isla qaatay Baaqii iyo Qorshe Hawlwwdkii shirka, gabdho badan ayaa fursado badan u helay waxbarasho badan taasoo ka badan intii weligeed la soo maray. Tirada haweenka eek u dhinta umusha ayaa laga dhigay mid ku dhow kala bar. Haween badan ayaa hogaamiya ganacsiyo, dowlado, iyo ururro caalami ah. Waxaan soo dhoweynayaa horumarkan la gaaray. Isla markaas, maanta oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, waa inaan garwaaqsanaa in horumarkan la gaaray uu ahaa mid aad gaabis u ah oo aan sinayn, waana inaan qabanaa wax intaa aad uga badan si aan u dardargelino horumar laga gaarayo meel walba.

Caalamku waa inuu isu yimaadaa si wax looga qabto kooxaha xagjirka ah ee bartilmaameedsanaya haweenka iyo gabdhaha. Laga billaabo Nigeria iyo Soomaaliya ilaa Suuriya iyo Ciraaq, jirka haweenka ayaa loo bedelay goobo dagaal oo ay isku hardiyaan dagaalyahano ku kacaya istaraatijiyado gaar ah oo nidaamsan, oo inta badan u saleysan isirka ama diinta. Haweenka waxaa loo weeraray inay isku dayeen inay helaan xaqa ay u leeyihiin waxbarashada iyo adeegyada asaasiga ah; waa la kufsaday, waxaana laga dhigay adoomo galmo; waxaa abaalgud ahaan loo siiyay dagaalyahanada, ama kooxaha xagjirka ah ayaa isku isweydaarsaday shabakadada ka ganacsiga dadka. Dhakhaatiirta, kalkaalisooyinka iyo kuwo kale ayaa si qorsheysan loogu dilay inay isku dayeen inay ku shaqeystaan xirfadahooda. Dadka difaaca xuquuqul insaanka haweenka oo si geesinimo ah uga hortaga gumaadka caynkaas oo kale ah ayaa khatar geliya – mararka qaarkoodna ku waaya – naftooda iyagoo ku jira dadaalkan.

Waa inaan mowqif cad oo caalami ah ka istaagnaa weerarkan buuxa ee lagu hayo xuquuqul insaanka haweenka. Beesha caalamku waxay u baahantahay inay caradeeda u tarjunto tallaabo macno leh oo wax ku ool ah, oo ay ka midyihiin gargaar baniaadanimo, adeegyo maskax-bulsho, taageero nololeed, iyo dadaal lagu bixiyo in kuwa dhibka geystay caddaaladda loo hor keeno. Iyadoo haweenka iyo gabdhaha ay inta badan yihiin bartilmaameedka koowaad ee weerrada, xuquuqdoodu waa inay dhexda kaga jiraan istaraatijiyadeena ee aan kula tacaaleyno dhibaatadan ballaaran oo si kordheysa. Haween iyo gabdho awood la siiyay ayaa ah rajada ugu wanaagsan ee horumar waara ka dib marka laga soo baxo colaadda. Iyagaa ah kuwa ugu wanaagsan ee horseeda horumar dhaqaale, rajada ugu wanaagsan ee dibuheshiisiinta, iyo gaashaanka ugu wanaagsan ee lagaga hortago xagjirnimada dhallinyarada iyo dib u soo noqoshada colaadda.

Xataa bulshooyinka nabadda ah, gabdho iyo haween aad u badan ayaa weli ah bartilmaameedka tacadiyada ka dhaca qoyska/guriga, gudniinka fircooniga iyo noocyada kale ee tacaddiga ee dhibaato maskaxeed ku rida dadka, burburiyana bulshooyinka dhammaantooda. Takooriddu weli waa derbi ballaaran oo lagama maarmaan ah in la burburiyo. Waxaan u baahanahay inaan kordhino fursadaha siyaasadda, ganacsiga iyo meelo kaleba. Waxaan u baahanahay inaan bedelno fikirka maskaxda, gaar ahaan ragga dhexdooda, oo aan ragga ka qaybgelino inay iyaguba noqdaan kuwo isbedelka horbooda. Waana inaaan go’aankeena ku xoojinaa dhaqaale ku saleysan in si hubaal ah loo fahmo in maalgashiga sinnaanta ragga iyo dumarka uu keeno horumar dhaqaale, ka wada qaybgal bulsho iyo mid siyaasadeed iyo faa’iidooyin kale oo, iyana, sii xoojiya xasilloonida iyo sharafta.

Sannadkan waa sannad muhim u ah horumarinta xuquuqul insaanka haweenka. Beesha caalamku waxay si adag ugu hawlantahay dejinta ajenda cusub ee horumar waara, ajendahaasoo ku saleysan Yoolalka Horumarka Kun-sannadlaha ah, oo qaabeeya siyaasadaha iyo maalgashiga bulsho ee faca/jiilka soo socda. Si uu u noqdo mid isbedel dhab ah keena, ajendaha horumarinta ka dambeeya sannadka 2015 waa inuu mudnaanta koowaad siiyaa sinnaanta ragga iyo dumarka iyo awood siinta haweenka. Caalamku marna weligii ma gaari doono boqol kiiba 100 ee yoolalkiisa haddii boqol kiiba 50 ka mid ah dadkiisa aysan gaarin karktidooda buuxda. Markaan sii deyno awoodda haweenka, ayaan xaqiijin karnaa mustaqbalka dadkoo idil.
Dhamaad.