Farriin Furan oo ku socota Hoggaamiyayaasha Madasha Wada-tashiga Qaranka.

Marka la soo hadal qaado Madasha Wada-tashiga Qaranka waxaa hubanti ah inay maskaxdu kuu sawirayso Hoggaamiyayaasha xubnaha ka ah Madashaasi, kuwaasi oo kala ah Madaxweynaha Dowladda Federalka, Guddoomiyaha Barlamaanka Federalka, Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka iyo Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda Puntland, Galmudug, Jubbaland iyo K/Galbeed.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Hoggaamiyayaasha Madashaasi ku heer yihiin Madaxdii Golihii Sare ee Kacaanka ee Waddaniyiinta ahaa, kuna caan baxay inay u adeegaan Danaha Qaranka.

Inkastoo xilligaas iyo Marxalladan kala duwan yihiin, haddana waxaa habboon in maanka lagu hayo Miisaanka Mas’uuliyadda iyo Muhiimadda Wada-tashiga iyo Dhowrista Danaha Qaranka.

Haddii aan ka gudubno arartaasi, waxaa markhaati laga ahaa Hab-dhaqanka Madaxda Madasha Wada-tashiga, Kulamadda ay yeesheen, Natiijooyinka ka soo baxay iyo Khilaaf-siyaasadeedka ay ku kala irdhoobeen.

Waa Hubaal Hoggaamiyayaasha Madasha ee uu maanta Shirka ugu furmayo magaalladda Muqdisho inaysan ahayn kuwo isku laab furan, waxaana laga dareemi karaa heerka uu gaarsiisan yahay Dagaal-siyaasadeedka u dhexeeya iyo qaabka Isbahaysiga ee ay Jaalka u kala yihiin Xilligan.

Md. Hoggaamiye waxaa habboon in meel la iska dhigo Xurgufta, Gocashadda Siyaasadeed, Isbaaradda Siyaasadeed iyo Mucaaradka joogtadda ee lagu laalayo Aragtiyadda Wanaagsan ee danta u ah Dadka iyo Dalka Somalia.

Md. Hoggaamiye, Ummadda wey daalan yihiin, wey aradan yihiin, wey qalqalsan yihiin, wey garan la’ yihiin qaabka uu noqonayo Mustaqbalka soo socda.

Waa Dad ku soo daalay Dagaallo sababay Barakac, Qaxootinimo, Cabsi Nololeed iyo Macluul, waxay la’ yihiin Adeegyaddii Asaasiga, ma haystaan Waxbarasho, Caafimaad, Biyo Nadiif  ah iyo Isku-filnaansho Nololeed.

Dhallinyaradda waxay noqdeen kuwo shaqo la’aan la yurura, kuwa qaxay, kuwa Baddaha ku haftay, kuwo ehel u noqday Qaxootinimo dac-daraysan, qaar ehel u noqday Daroogadda iyo Qaadka, qaar Keeb-la-yurur noqday  oo wax dil mooye aan xal kale lagu barbaarinin.

Md. Hoggaamiye, Dalweynihii Soomaaliyeed ee mideysnaa waa kuwan u kala faliirmay Maamulo talo Shisheeye ku tisqaada.

Baddaheenna waxay noqdeen kuwo dayacan, waxaa buuxiyey Maraakiib iska dhuranayo Kheyraadkeenna, Kalluunka bililiqeysanayo, kuwo haraaga Qashinka Nukliyeerka iyo Kiimikadda ku daadinayo, waxayna baddeenna noqotay inaysan Dadkeenna si xor ah uga jilaaban karin.

Kalluumeysatadda Waddaniga waxaa lagu tilmaamaa Burcad-baddeed, waana lagu tacadiyaa, laga burburiyaa Shabaagta iyo Saxiimadaha, waxayna qaarkood si xaq-darro ah u dhex yururaan Xabsiyo ku yaalla Bariga Afrika, Europe ilaa Maraykanka.

Md. Hoggaamiye, waxaa markhaati ma-doonto ah Macluusha daran ee ay dadka iyo duunyadda ugu geeriyoonayaan Goballadda dalka, waxaa markhaati ma doonto ah in Jiilal badan oo Soomaaliyeed haysanin Waxbarasho iyo Daryeel Guud, waxaa markhaati ma-doonto ah in Hooyooyin badan u geeriyoodaan Nafaqo la’aan iyo Daryeel la’aan Caafimaad. Ubad badan ay geeriyoodaan iyagoo aan gaarin 5 sanno, maadaama aysan haysanin Daryeel dhamaystiran iyo Deegaanka oo noqday kuwo wasaqoobay.

Md. Hoggaamiye waa hubaal in Siyaasiyiinta aad ka mid tihiin ubadkooda yihiin kuwo Abaar-moog ka ah Xaalladaha dhabta ee ka jirta gudaha Somalia, waxaana loo badiyaa inay  Ubadkiinna dibed-ku-noolayaal yihiin oo ay Waxbarasho, Caafimaad iyo Jawi deggan ku caano-maalayaan, halka Ubadka ku sugan gudaha dalka haysanin Adeegyada Ubadkiinna ku haystaan dibedda oo kale.

Md. Hoggaamiye, xaalladu waa sidii Wareegtaa waa silsilad, waxaad nasiib u heshay inaad Hoggaan u noqotaan Ummadda dhibaataysan, ma aanan maqlin Hoggaamiye idin ka mid ah oo Kala-bar mushaarkiisa ku bixinaya Samafal Aadminimo, waxayna dibnihiisa ka xishoon la’ yihiin inaad qeylo-dhaan Caalami ku sheegtaan in dadka macluulsan yihiin iyo in lala soo gaaro Kaalmo Aadminimo oo Degdeg ah.

Md. Hoggaamiye, xilligii Madaxnimadiina waxaa ka harsan muddo kooban, waxaana u dhaqmaysaan sidii “Ayax Teg, Eedlna Reeb” oo kale, mana ka muuqdaan Wada-tashiyadiina Isku-tanaasul iyo inaad hal Aragti ku towfiiqsataan.

Md. Hoggaamiye, Shirkiinna haatan idiin socda aad baa looga war sugayaa, dadweynaha wey ku kala qeybsan yihiin Natiijadda Shirkiinna, balse, waxay inta badan  Ummadda isku qanciyaan inaan marnaba laga quusanin Rajada iyo Raxmadda Rabbi.

Md. Hoggaamiye, isku soo duub,  Maxay Ummadda idinka filan karaan? Ma ka dhabayn doontaan Hamiga Ummadda iyo Badbaadinta Dowladnimadda iyo Midnimadda Qaranka? Mise Kulamadiina waxay la mid yihiin Qisadii Alfa Wa Layla oo kale?

©Radio Dalsan

 

 

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor