Farmaajo oo ku baaqay in la saxo Istaraatijiyada lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab

Ra’isul-wasarihii hore ee Xukuumaddii KMG, Maxamed Abdullahi Farmaajo ayaa waxa uu hadalkaasi maanta ka sheegay magaalladda Nairobi ee dalka Kenya.

Farmaajo waxa uu tilmaamay haddii la saxo lana isticmaalo Istaraatijiya waxtar leh in si fudud looga guuleysan karo Xarakadda Alshabaab, wa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu sheegay Istaraatijiyadda muhiimka ee looga guuleysan karo Dagaalamayaasha Alshabaab inay tahay in laga hor-joogsado Macashka, oo uu xusay inay ka  helaan Dadka Rayidka ee ku nool Deegaannadda ay Alshabaab maamulaan, waa sida uu hadalka u yiri.

Ra’isul-wasarihii hore ee Xukuumaddii KMG, Maxamed Abdullahi Farmaajo waxa uu ugu baaqay Dowladda Federalka Somalia inay la shaqeeyaan dhigooda dalka Kenya, haddii la doonayo in lagu guuleysto Dagaalka lagula jiro Xarakadda Alshabaab.

Siyaasiga Mohamed Abdullahi Mohamed “Farmaajo” waxa uu Xilka Ra’isul-wasaaraha loo magacaabay 31-kii Oktoobar ee sannadkii 2010-kii, wuxuuna ka degay bishi iJune 19-dii ee sannadkii 2011-kii.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor