Fariisin Ciidamo ka tirsan dowladda ku leeyihiin Muqdisho oo Caawa la weeraray

Rag hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa Caawa weerar ku qaaday fariisin Ciidamada dowladda ku leeyihiin Xaafada Suuqa Xoolaha.

Fiidnimadii Caawa ayaa Dad Goobjoogayaal ah ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Farisinka ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin Warshadii hore ee Bruunka oo ku taalla Xaafada Suuqa Xoolaha ee D/Hurwaa la weeraray.

Lama oga  khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaas,waxana halkaasi ka dhacay dagaal kooban oo labada dhinac ee Al-Shabaab iyo Ciidanka dowladda dhexmaray.

Maamulka degmada Hurwaa wax faah afahin ah kama bixin dagaalkaas,waxaana dhowr mar sidaan oo kale loo weeraray farrisinkaas ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media