Fariisin Ciidamada Puntland ee gobolka Bari oo la weeraray

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Buuraha Golis ee deegaanka Galgala ee gobolkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Ciidamada Puntland ee halkaasi ku sugan.

Dagaalka ayaa yimid sida ay Dalsan u sheegeen Saraakiil ka tirsan ciidamada Puntland kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Puntland ku leeyihiin Buuraha Golis ee deegaanka Galgala.

Dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu geystay khasaaro isugu jira dhimsho iyo dhaawac oo labada dhinac kala gaaray in kastoo weli tirada rasmiga ah aan la helin.

Al-Shabaab ayaa Warar ay ku qoreen Bogga ay ku leeyihiin Internet-ka waxa ay ku sheegeen in ay la wareegeen fariisinka ciidamada Puntland ee Buuraha Galgala balse wax jawaab ah dhankooda kama soo bixin Saraakiisha ciidamada Puntland.

Sikastaba todobaadkii la soo dhaafay ayaa Ciidamada Puntland waxa ay howlgallo ka wadeen Buuraha Galgala iyo kuwa Calmadoow iyaga oo sheegay in ay ku baadi goobayaan Kooxo ka tirsan Shabaab iyo Daacish.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media