Faransiiska iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Dagaalka Alshabaab iyo Ammaanka Badda Cas

Madaxweynaha dalka Faransiiska,  Emmanuel Macron iyo Dhaxal-sugaha dalka Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan ayaa hadalkaasi ku sheegay mar ay Shir Jaraa’id ku qabteen Qasriga Madaxtooyadda ee magaalladda Paris,

Labada Hoggaamiye waxay sheegeen inay gacan ka geysan doonaan Dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Alshabaab iyo Ammaanka Guud ee Badda Cas, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Warkan oo aan ka soo xiganay Wargeyska ASHARQAL AWSAD ee Sacuudiga ayaa waxay kaloo isku raaceen inay taageero u fidiyaan Hawlgalladda Nabad-ilaalinta AMISOM  iyo kuwa kale ee la spcda Qaaradda Afrika.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga, ahna ahna Wasiirka Difaaca ee dalkaasi, Maxamed Bin Salmaan waxa uu tilmaamay inay 100-million oo Dollar ku taageereen Hawlgalka AMISOM iyo kuwa ka socda dalalka kale ee Afrika.

Dhinaca kale,  Madaxweynaha Faransiiska iyo Dhaxal-sugaha  Sacuudiga waxay kaloo ka wada hadleen Ammaanka Badda Cas, Xaalladda Syria iyo saamaynta Iiraan ku leedahay khatarta dalalka Mandiqadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media