Fannaaniin Somali oo Bandhig Faneed u dhigi doona Soomaalida qaxootiga ku ah Jesiiradda Malta.

Photo provided by the African Media Association MaltaWargeyska Times of Malta ayaa maanta qoray inay 3 Fannaan oo Soomaali ah la qorsheynayo inay berri galab Bandhig Faneed ka dhigaan Malta, taasi oo Farriin Rajo u ah dadka Soomaalida ku nool Malta.

Fannaaniinta dhigayo Bandhigaasi ayaa kala ah Laki Cali, Nasteexa Warsame iyo Subeyr Xersi oo loo yaqaano DJ Subeyr, kuwaasi oo ka kala yimid dalalka Britain, Norway iyo Sweden.

“Waxaan doonaynaa inaan Soomaalida ku nool Malta mideyno, innagoo u adeegsanayo Madadaalada” ayuu yiri DJ Subayr.

Qabanqaabiyayaasha Bandhig Faneedkaasi waxay sheegeen in Dabaaldegaasi laga dhigi doono Dhismaha Tiyaatarka magaalladda Valletta, iyadoo lagu casuumay Soomaalida,  Qaxootiga kale ee Afrikaanka iyo dad u dhashay Jesiiradda Malta.

Waa Bandhig Faneedkii ugu horreeyey ee ay Fannaan Soomaali ah u dhigaan Qaxootiga Soomaalida ee ku dhaqan Jesiiradda Malta, wuxuuna Bandhigan ku soo beegmayaa iyadoo dhawan la shaaciyey inay Qaxootigu ku nool yihiin Nolol cakiran, isla markaana ay qaarkooda waashaan, halka kuwa kalen isku tijaabiyaan inay is-dilaan, kadib, markii loo diiday Sharciga ama in Reerkooda loo keeno Malta.

Xigasho: Times of Malta

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor