Falastiiniyiinta oo adeegsaday Aabiteey lagu xiray qaraxyo iyo Yuhuudda oo adeegsatay Diyaaradaha Dagaalka

Waaberigii hore ee saakayto waxay Diyaaradaha Yuhuudda beegsadeen 9 bar-tilmaameed oo ay Dagaalamayaasha Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ku leeyihiin Waqooyiga Marinka Qasa.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Askarta Yuhuudda ayaa lagu sheegay inay Duqeyntaasi jawaab u ahayd weerar ay XAMAAS ka geysteen Koonfurta Yuhuudda.

XAMAAS waxay adeegsadeen Abiteey (kites to carry petrol bomb) iyo Baloono lagu xiray waxyaabaha qarxa iyo ololka dhaliya, kuwaasi oo aragagax ku abuuray dadka deggan Koonfurta Yuhuudda.

Wasiiro Yuhuudi ah ayaa ku baaqay in laga hortago xeelladda cusub ee a yXAMAAS adeegsadeenm halka Jeneral kale sheegay inay diyaarinayaan Drones  beegsan kara Abiteydadusha ee ay XAMAAS qaraxa ku soo xiraan.

Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay,  waxay Askarta Yuhuudda dileen ugu yaraan 125 Falastiiniyiin aan hubeysnayn, kuwaasi oo si joogto ah dibadbaxyo uga dhiga Deegaanadda Marinak Qasa ee u dhow Xuduudka Yuhuudda.

Dibadbaxayaasha waxay doonayaan inay dib ugu laabtaan Deegaanadooda oo ay Yuhuudda xoogga uga soo barakiciyeen sannadkii 1948-kii oo haatan laga joogo 70-sanno.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media