(Falaanqeyn):- Saamaynta uu Afgembigii ka dhacay dalka Burundi ku yeelan karo Hawlgalka Nabad-ilaalinta AMISOM.

Toddobaadyo ay jahwareer siyaasadeed iyo Dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo Madaxweynihii dalka Burundi, Pierre Nkurunziza inuu mar saddexaad isku soo sharxo Xilkaasi ayaa waxay sababtay inay Saraakiisha Sare ee Milliteriga dalkaasi ku dhawaaqeen inay afgembiyeen Dowladdii Madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Doorashadda Madaxtinimadda ee dalkaasi ayaa lagu waday inay qabsoonto bisha June 26-da ee sannadkan, iyadoo uu Pierre Nkurunziza  sheegay inuu yahay Musharax mar saddexaad u taagan Xilkaasi.

Wuxuuna dhegaha ka fureystay Baaqyo Caalami ah oo looga codsaday inuusan mar kale isku soo taagan Madaxtinimadda dalkaasi.

Laakiinse, xaalladda ma noqon sida uu rabay, waxaana rabshadihii lagu diidanaa lagu dilay Labaatameeyo qof, iyadoo 50,000 kalena ay ka firxadeen dalkaasi.

Afgambigii Shalay  ayaa u muuqday mid si kedis ah ku yimid, waxaana  lagu soo beegay saacado kadib, markii uu Madaxweyne Burundi u ambabaxay Caasimadda dalka Tanzania ee Darasalaam, oo ay Hoggaamiyayaasha dalalka deriska kaga hadleen  Xaalladda dalka Burundi.

Kumanaan dadweyne ayaa isugu soo baxay caasimadda dalkaasi ee Bujunbuura, kuwaasi oo soo dhaweeyey Tallaabadda lagu afgembiyey Madaxweynihii hore.

Taliyaha hoggaaminayo Afgambigaasi ayaa lagu magacaabaa Sarreeye GaasGodefroid Niyombare, wuxuuna ahaan jirey Taliyihii Ciiddanka Sirdoonka ee dalkaasi, ka hor intaan xilka laga qaadin bishii February ee sannadkan iyo Danjirihii Burundi u joogay Kenya sannadkii hore.

Madaxweynihii dalka Burundi ayaa sheegay inuu weli yahay Madaxweynaha Sharciga, isla markaana la fashiliyey Inqilaabkii lagu ridi lahaa Dowladiisa.

Laakiin, xaalladda ayaan sidaas ahayn, waxay Saraakiisha Afgembiga hoggaaminaya sheegeen inay xireen Garoonkii Caalamiga ee Diyaaradaha ee Bujunbura International Airport.

Sidoo kale, waxaa la wada xiray dhamaan xuduudka uu dalkaasi la wadaago dalalka deriska.

Waddanka Burundi Juqraaafi ahaan  waxa uu ku yaalla K/bari ee Qaaradda Afrika, waxaana uu ka mid yahay dalalka la isku yiraahdo  Waddamadda Harrooyinka Waa Weyn “The Great Lakes”.

Waxa uu dalka Burundi xuduud la leeyahay dalalka Rwanda, Tanzania iyo Kongadda Dimquraadiga.

Muwaadiniinta Reer Reer Burundi waxaa tiro-koobkii ugu dambeeyey ee la qaaday bishii January 1-dii ee sannadkan 2015-kA  lagu sheegay inay dhan yihiin  10 908 369 oo qof.

Waana dad ka soo kabanaya dagaallo sokeeye oo ay 13-sanno ku soo nolol-qaateen.

Qaxarka dagaalladda sokeeye ee dalkaasi ayaa dhamaaday sannadkii 2006-dii, kadib, markii ay Qabqablayaashii Dagaalka iyo Hoggaamiyayaashii ugu tunka weynaa dalkaasi ay Heshiis Awood qeybsi ku saxiixdeen magaalladda Caruusha ee dalka Tanzania.

Waxaa sannadkii 2006-dii Madaxwynaha dalka Burindi loo magacaabay Pierre Nkurunziza, wuxuuna dadaal u galay sidii dalka loogu soo dabaali lahaa Xasillooni Siyaasadeed iyo mid Amni.

Waxa uu Kumanaan Askari ku soo biiriyey Hawlgalkii AMISOM, waxayna Guutadii ugu horreysay soo gaareen magaalladda Muqdisho dabayaaqadii bishii December ee sannadkii 2007-dii.

Haatan Askarta dalka Burundi waa kuwa kaalinta labaad kaga jira tiradda Ciiddanka  ugu badan ee Hawlgalka AMISOM.

5,432 Askari oo Burundian ah ayaa haatan qeyb ka ah Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo lafdhabar u ahaa Hawlgalka AMISOM.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inuu Afgembiga ka dhacay dalka Burundi uu saamayn ku yeelan doono Moraalka Ciiddankooda qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Kornel Abdullaahi Aadan Xuseen  (Cirrro) oo ka mid ah Saraakiishii hore ee Milliteriga Somalia, ayaa sheegay inuu Afgembigaasi saamayn ku yeelanayo Ciiddankooda ku sugan gudaha dalka Somalia.

Kornel Abullaahi Cirro oo isagoo ku sugan Degmadda Cadaado ee Gobalka G/gaduud caawa la hadlay Dalsan Radio ayaa saadaaliyey inuu Afgembiga ka dhacay Burundi uu caqabad ku noqon karo Hawlgalka AMISOM, isla markaana ay dhici karto inay Maamulayaasha cusub ee la wareegay Talada ku soo rogaan awaamiir ciiddankooda ku sugan Somalia, oo horseedi karta in ay Ciiddanka Burundi dib ugu laabtaan dalkooda hooyo.

Waxaa kaloo macquul ah inay Dowladaha Bariga iyo Bartamaha Afrika isku kaashadaan sidii ay Faragelin Milliteri ugu maquunin lahaayeen Maamulayaasha cusub ee la wareegay Talada Burundi, ama uu Madaxweynaha talada laga tuuray uu qaab Jabhadayn u bilaabi lahaa sidii uu mar kale xukunka ugu qabsan lahaa ama uu Milliteriga taageersan ugu awr kacsan lahaa Beel ahaan.

Waxaa kaloo suurtogal ah in Ciiddanka Burundi ku kala qeybsamaan Siyaasadda amaba Nidaamka Qabiilka, oo ay u kala jabaan kuwa daacad u ah Madaxweynihii hore iyo kuwo taageersan Maamulayaasha Milliteriga ee xilka la wareegay.

Si kastaba ha ahaatee, waa hubaal in Xilliga Kala Guurka Siyaasadeed ee dalka Burundi uu saamayn toos ah iyo mid dadban ku yeelan doono Mooraalka Ciiddanka Burundi iyo guud ahaan Hawlgalka AMISOM.

(Dhageyso) Khabiir  mileteri oo ka hadlay afgambigii Dalka Burundi .

People celebrate in a street in Bujumbura, Burundi May 13, 2015. REUTERS/Goran Tomasevic
People celebrate in a street in Bujumbura, Burundi May 13, 2015. REUTERS/Goran Tomasevic

BURUNDI TROOPS Madaxweynaha Burundi Taliyaha Burundi

 

W/Q: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor