(Falaanqeyn): Maxaa Gulufka Colaadeed ee AMISOM ee ka dhanka ah Alshabaab loogu soo beegay booqashadda Obama ?

Dayanka Madaafiicda, Boobaha, guuxa Teknikadda Milliteriga, Qaxa iyo catowga dadka rayidka ayaa waxay maalmahan qeybta sare ka galeen Wararka ay Warbaahinnadda Caalamka iyo ku Maxaliga kaga hadlaan Iska horimaadyadda sii laba lixaadsanayo ee u dhexeeya Ciiddanka AMISOM iyo Dagaalamayaasha Alshabaab.

Kooxaha dagaalamayo iskuma hamuun qabaan, waxayna dagaallo iyo is-dil soo wadeen tan iyo markii ay Ciiddanka Afrikaanka ee AMISOM soo galeen Somalia bilowgii sannadkii 2007-dii.

Hawlgalka AMISOM waxaa  dhisay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Afrika bishii January 19-dii ee sannadkii 2007-dii, iyadoo ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ansiyeen Hawlgalka AMISOM bishii February 21-dii ee isla sannadkii 2007-dii.

Golaha Ammaanka ee QM waxay Hawlgalka AMISOM cusbooneysiiyaan  lixdii biloodba mar, waxaana lagu wadaa inuu xilligooda ku ekaado bisha November 30-da ee sannadkan.

Haddaba, haddaynu u soo laabano Hawlgalka Dagaalka ee loogu magac daray Isku-furista Goballadda Jubbooyinka (Operation Jubba Corridor) ayaa ah Guluf Colaadeed cusub, inkastoo ay horey Ciiddanka AMISOM  iyo kuwa Dowladda Federalka horey u qaadeen Guluf loogu magac daray Hawlgalka Badweynta Hindiya, kaasi oo ka dhan ahaa Alshabaab .

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii August ee sannadkii hore iclaamiyey Hawlgalka Badweynta Hindiya (Operation Indian Ocean), kaasi oo ay Ciiddanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federalka ay hawlgallo ka fuliyeen Deegaannadda ay Alshabaab ka joogeen Gobalka Sh/hoose.

Hawlgalkaasi ayaa ku bilowday si dardar leh, balse markii dambe ayuu waxa uu Hawlgalkaasi u shiiqmay sidii baraf meel bacaad ah la dhigay oo kale.

Mowjado Colaadeed oo lagu riiqmay ayaana la xusuustaa inay Alshabaab iyo AMISOM ku dhex mareen magaalladda Muqdisho iyo Goballadda Shabeellooyinka, Hiiraan iyo Jubbooyinka.

Loolanka Colaadeed ee sannooyinka soo taxnaa waxa u uu muuqda inaan weli lagu kala bixin, oo xaalladdu u eg tahay Farri kama qodna Faanoole oo kale.

Xeeldheerayaasha Milliteriga ayaana dhabano-hays ka qaaday Dagaalkaasi lagu kala bixi la’ yahay iyo inuu jiro Mashruuc AMISOM kaga macaashayaan dagaalladda ay kula jiraan Alshabaab.

Waa hubaal in la dhihi karo inay AMISOM qandaraas dadban ku qaateen Hawlgalka oo ay Beesha Caalamka ku maalgeliyaan Malaayiin Dollar bishiiba.

Diplomaasiyiinta ayaa iyagana ka fekerayo sidii Hawlgalka AMISOM loogu warejin lahaa Ciiddanka QM ee Nabad-ilaalinta, maadaama ay Beesha Caalamka ku daaleen Kharajka ay AMISOM ku siiyaan Hawlgalka ka dhanka ah Alshabaab.

Ma aha hawl fudud in 22,000 oo Askarta AMISOM iyo Sahaydooda si rigli ah loo bixiyo, isla markaana aan wax horumar ah laga gaarin Hawlgalka loo idmaday.

Si kastaba ha ahaatee, Isweydiinta  mudan in la falaanqeeyo ayaa ah Maxaa Xilligan soo dedejiyey Gulufka Colaadeed ee AMISOM ee ka dhanka ah Dagaalamayaasha Alshabaab ?

Xaqiiq ahaan marka doc kasta laga dhiraandhiriyo waxaa hubaal ah in Hawlgalkan yahay Dhoola-tus Milliteri oo Madaxweynaha Maraykanka, Barack Hussien loogu muujinayo inay miro-dhal noqdeen Taageeradda ay Maraykanka ku bixiyaan Hawlgalka AMISOM.

Madaxweyne Obama waxa uu  dhawaan booqan doona dalalka Kenya iyo Ethiopia, oo iyagu ay ciiddamo kaga jiraan Hawlgalka AMISOM.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan in Hawlgalkan yahay mid lagu soo beegay Safarka Obama ee Kenya iyo Ethiopia, waana hubaal inay Madaxda dalalkaasi ajendo siyaasadeed iyo mid dhaqaale  ka leeyihiin Hawlgalka AMISOM ee  Isku-furista Jubbooyinka, si ay Dowladda Maraykanka uga helaan abaalmarin dufanaysan.

Khubarada Milliteriga ayaa rumeysan in Hawlgalka Isbahaysiga looga dan leeyahay in Dagaalamayaasha Alshabaab la mashquuliyo, si aysan ugu suurto-gelin inay maleegaan weeraro ay ku soo beegaan Booqashadda Obama ku tegayo dalka Kenya.

Hadaf kasta oo laga leeyahay Hawlgalkaasi waxaa xogtiisa la  ogaan doonaa inuu yahay mid lagu qancinayo Obama iyo in kale, marka uu Madaxweynaha Maraykanka dhamaysto booqashadda Jimcaha soo socota uga bilaabanayso dalalka Kenya iyo Ethiopia.

WQ: Hassan Ali Osman

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor