(Faahfaahin): Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay Maraykanka

3 nin oo Somali ah ayaa lagu toogtay magaalladda Columbus ee Gobalka Ohio, iyadoo mid  ka mid ah uu geeriyooday.

Telefishinka WHAM ayaa baahiyey in Marxuum la oran jirey Cumar C/qaadir Cali oo 25-jir ah lagu dilay Toogashadaasi oo u muuqatay Isku-day dhac hubeysan.

Waxaa kaloo Toogashadaasi si xun ugu dhaawacmay Nin la dhashay Marxuumka oo lagu magacaabo Cali C/qaadir Cali oo 23-jir ah iyo Maxamed-deeq oo 23-jir ah.

Boliska ayaa sheegay inay Toogashadaasi ka dhacday meel ka baxsan dhismo uu deggan yahay saaxiibkooda.

Boliska waxay su’aalo weydiinayaan qof 4-aad oo dhallinyarada la toogtay la saarnaa Gaari noociisu yahay SUV oo ay Soomaalidu u taqaano RONET.

Saddex Dhallinyaro ee la dhaawacay ayaa u tegay magaalladda Columbus si ay uga qeyb galaan Tartan K/Cagta o oy ka qeyb galyeen Kooxo asal ahaan ka soo jeeda Pan-African.

Dhamaan sddexdaasi dhallinyaro waxay Qaxooti ahaan muddo dhowr sannadood ugu noolaayeen magaalladda Rochester ee Gobalka New York.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media