Qarax geestay khasaaro dhaawac ah ayaa ka dhacay agagaarka Madaxtooyadii hore ee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan oo ku dhow Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxaan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso,waxaan lala eegtay gaari nooca raaxada ah oo ay la socdeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay laba qof oo uu mid kamid ah yahay Askartii saarneed gaariga yar ee nooca raaxada ah iyo mid Shacab ah oo goobta uu qaarxa ka dhacay ku sugnaa.
Goobta waxaa intaasi kadib gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Soomaliya,kuwaas oo sameeyay baaritano kooban walow aysan dad usoo qaban.
ila iyo hada lama oga cida qaraxaasi lala eegtay maadaama gaariga ay saarnayeen Ciidamo ka tirsan dowladda.