Faarax Macalin oo soo gaaray Magaalada Muqdisho

Faarax Macalin oo mar soo noqday Afhayeenka Baarlamaanka Kenya ayaa Maanta soo gaaray Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Adan- cadde ee Muqdisho waxaa ku soo dhaweeyey masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada Maxamed Cabdulalahi Salaad ‘Oomaar’ iyo mas’uuliyiin kale.

In kastoo aan shidhabah loo ogeyn sababta uu u yimid Muqdisho ayaa hadana waxa uu faarax Macalin ka mid yahay dadka aad uga soo horjeeda siyaasada Imaaraadka Carabta oo hadda uu khilaaf kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.