Faallo:- Yaa loo idmaan karaa Xalka qabsoomida Doorashadda soo socotaa ?

Qorshihii lagu dooran lahaa Madaxweynaha Mustaqbalka iyo Barlamaanka Cusub ayaa u muuqda mid qorshihiisa la xanibay, lana laalay qorshahaasi oo hore ballanqaadkiisa loo iclaamiyey.

Labada Gole ee Dowladda Federalka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay si mideysan u shaaciyeen inaan la qaban Karin Doorashadda Madaxtinimadda ee lagu madalsanaa in la qabto bisha August ee sannadka soo soda.

Doorashadda noocaasi ayaana noqon lahayd mid Taariikhi ah, maadaama aysan Somalia doorasho noocaasi ah ka dhicin tan iyo curashaddii Kacaankii  Octobar sannadkii 1969-kii.

Daruufo Siyaasadeed, mid Nabadgelyo-xumo iyo Diyaargarow la’aan ayaana udub-dhexaad looga dhigay qabsoomid la’aanta Doorashadda Dimuqraadiyadda ee uu Muwaadin kasta codkiisa ku dhiiban lahaa, taasi oo ah Doorashadda ku dhisan Hal qof iyo Hal Cod “One Man and One Vote”.

Qoddobadda loo cuskaday dib-u-dhacaasi ayaan lahayn Garowshiyo Siyaasadeed, maadaama Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh haysatay fursado lagumaarayn karo Inkaaniyaadka lama huraanka u ah Doorashooyinka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo talada dalka loo doortay bishii September 12-dii ee sannadkii 2012-kii ayaa waxa Dowladiisa ka hor-yimid caqabado dhinaca Siyaasadda, Dhaqaalaha,  Amniga iyo Ballaarinta Nidaamka Dowladda, waxayna taasi dhabar-jab ku noqotay Taabagelinta Hiigsiga Nabadda iyo Qabsoomidda Doorashadda Madaxtinimadda ee dalka.

Tis-qaad la’aanta Tubta Doorashadda Qaranka ayaa waxay iminka noqotay hadal-haynta ugu muhiimsan ee Madal kasta oo ay Bulshadda isugu yimaadaan, waxaana la wada qirsan yahay inay Dowladda Federalka ku hungowday Hamigii Ummadda ee Qabsoomidda Doorashadda Qaranka.

Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaana  rumeysan in loo baahan yahay in laga fekero Qorshooyinka looga badbaadi karo inay habacsanaan Dowladnimo timaado, marka Madaxda xilligan uu ka idlaado Waqtiga loo idmaday Hoggaaminta dalka.

Haddii aan La-tashiyo Qaran la bilaabin, waxaa suurtogal ah in ay curtain Mashaqo Siyaasadeed oo aan horey loo arkin, Isbaaro Siyaasadeed iyo Is-jiidjiid iyo Xifaltan Siyaasadeed ayaa laga digayaa in madaxa lala galo, marka la gaaro dabayaaqadda bisha August ee sannadka soo socda.

Shirka Wada-tashiga Beesha Caalamka iyo Dowladda Federalka iyo Maamul-gobaleedyadda hoos yimaada ayaana si rasmi ah loo shaaciyey inaysan Somalia ka qabsoomi Karin Doorasho Madaxtinimadda oo ay Muwaadiniinta Soomaaliyeed codkooda ku dooran karaan Madaxda Qaranka ee Mustaaqbalka.

Khubaradda ku gaamurtay Nidaamka Dowladnimo ayaa ku talinayo in loo baahan yahay in gogol-xaar loo sameeyo La-tashiyo Furan oo ay Dowladda Federalka la yeelanayso Bulshadda Rayidka, Maamul-gobaleedyadda iyo Beesha Caalamka, si loo helo Talooyin horseedi kara Qabsoomida Doorashadda lagu dooranayo Madaxda cusub ee Golayaasha Qaranka.

Waa hubaal in Doorashadda ka muhiimsan tahay sidii loo  heli lahaa Heshiis Qaran iyo in Bulshadda lagu wacyi-gelinayo Nidaamka Federalismka, maadaama Nidaamkaasi u muuqdo  Maamul noociisa ku cusub Somalia.

Su’aasha meesha taagan ayaa waxay tahay Yaa loo idman karaa Farsamadda Siyaasadeed ee lagu taabagelin karo Nooc ka mid ah qaababka Doorashooyinka, ma waxaa loo idman karaa Barlamaanka Federalka?, Maamul-gobaleedyadda?, Mise waxaa loo soo bandhigi doonaa Ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, haddii la isku af-garto in Dowladda Federalka xilliga loo kordhiyo, yaa loo idman karaa? Muddo inteese la eg ayeyna si KMG ah u hayn doonaan Talada dalka?

Haddaba, waxaa su’aal Qaran ah oo u baahan in si Waddaniyad iyo Mas’uuliyad leh  looga fekero Naqshadda Doorashadda, si aan mar kale loogu fashilmin Qorshaha Qaranka.

WQ: Ustaad Nuradin Abokor Ahmed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor