FAALLO: Xildhibaanadda Barlamaanka soo socda oo caqabad Qaran noqon kara.

Waxaa suurtogal ah inay Somalia mar kale Mashaqo Siyaasadeed iyo Isqabqabsi Beeleed iyo Kooxeed ka dillaaci karaan, haddii aan si Miyir Mas’uulinimo loo dhuuxin War-murtiyeedkii ay dhawaan iclaamiyeen Hoggaamiyayaasha ku mideysan Dalladda loo yaqaano Madasha Wada Tashiga Qaranka.

War-murtiyeedka waxaa soo hindisay 7-da xubnood ee Madasha Wada-tashiga Qaranka oo iyagu u ololeynaya inay ka dhex muuqdaan Masraxa Siyaasadda tan iyo inta laga gaarayo  sannadka 2020-ka oo lagu wado inay Somalia ka qabsoonto Nidaamka Doorashadda ee Hal qof iyo Hal cod.

Madaxda Qaranka iyo kuwa Maamul-gobaleedka waxaa kaloo gacantooda ku jira Masiirka Xildhibaanadda Labada Aqal ee la soo dooran karo, waxayna taasi u gogol-xaaraysaa inay Xildhibaanadda Barlamaanka soo socda noqdaan Xildhibaano u daacad ah Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda dhisan.

Xasaasiyadda iyo caqabadaha ka dhalan karta qoddobka Madaxweynaha Maamul-gobaleedka loogu idmaday inay mas’uul ka yihiin Saxiixa Xildhibaanadda cusub ayaa haatan noqoto Xiisad-siyaasadeedka ay sida xooggan uga doodayaan Siyaasiyiinta, Aqoonyahannadda iyo Bulshadda Rayidka.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka ku fududaadeen Awood-u-siinta Madaxda Goballadda inay soo saxiixaan Xildhibaanadda ku soo biirayo Labada Aqal ee Barlamaanka.

Siyaasi kasta oo hami ka qabay inuu ka mid noqon doono Xilddhibaanadda cusub ayaa waxa uu ku soo baraarugay Isbaaro Siyaasadeedka wejiga cusub ee lagu takoorayo Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Madaxda Maamul-gobaleedyadda iyo kuwa ayy horey isku qoonsadeen.

Waxaana hubaal in Madaxweynayaasha Maamul-gobaleedyadda qalinka ku soo duugayaan Xildhibaanadda ay isku haybta iyo isku siyaasadda yihiin, inkastoo la yiraahdo Siyaasadda ma laha Saaxiib Joogto ah ee waxay leedahay Dan joogto ah.

Markaynu isku soo duubno, Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ee haatan dhisan ayaa looga fadhiyaa inay turxaan bixiyaan War-murtiyeedka Madaxda ku mideysan Madasha Wada-tashiga Qaranka, waxaana hubaal ah haddii la dhaqan geliyo qoddobkaasi inay Xildhibaano badan oo magac ku dhex Siyaasadda noqon doonaan kuwa lumiya Xilka Xildhibaanimo iyo Rajadooda Siyaasadeed ee Mustaqbalka.

@Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor