(FAALLO): Xasaasiyadda Xilliga Kala-guurka iyo Loolanka Doorashooyinka.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u gogol xaarayso Qabsoomida Doorashooyinka Dadban ee Xildhibaanadda Labada Aqalka ee Baramaanka iyo Madaxweynenimadda ee lagu madalsan yahay inay dhacaan Bilaha September iyo October ee sannadkan 2016-ka.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka ayaana u muuqda kuwo loo tirinayo inay horseedi karaan inay Doorashooyinka Dadban  ku dhacaan Nidaam Wanaagsan oo  ku salaysan Xaq iyo Xalaal.

Maalmo iyo Isbuucyo Xasaasiyad leh ayaana madaxa lala galay, waxaana socda Loolanka Musharixiinta hanka kaga jiro Xildhibaanimadda iyo kuwa ku talamaya Xilka ugu sarreeya ee Madaxweynenimedda.

Siyaasiyiinta Xilligan ayaa lagu tilmaami karaa kuwo isku xulufaysanayo Nidaam Isbahaysiyo Siyaasadeed, maadaama aan weli loo gudbin Nidaamka Xisbiyadda Badan.

Siyaasiyiinta Muxaafidka iyo kuwa Mucaaradkan ayaa weli isku Milan, waxayna badankooda xubno ka yihiin Ururadda Siyaasadeed ee loogu yeero Aala Sheekh iyo Damu Jadiid, kuwaasi oo miisaan culus ku dhex leh Golayaasha Dowladda Federalka iyo Musharixiinta ku loolaami doona Kuraasta Barlamaanka iyo Madaxtinimadda.

Xeeldheerayaasha ayaa rumeysan inay Ururadaasi yihiin kuwo miisaan culus leh, isla markaana uu ka dhexeeyo Dagaal-siyaasadeed, iyadoo Koox kasta doonayso inay Hayinka u qabtaan Hoggaanka Guud ee Qaranka.

Waxaana xaqiiqo ah inay jiraan Dowlado, Hay’addo iyo Ganacsato kala taageera Siyaasiyiintaasi si ay ugu guuleystaan Doorashooyinka Dadban ee soo socda.

Sidoo kale, waxaa jira Siyaasiyiin ka madax bannaan Aala Sheekh iyo Damu Jadiid  oo iyagana lagu tilmaami karo Quwadda 3-aad ee Siyaasadda Somalia, kuwaasi oo ku fekerayo inay goor ay ahaataba ku guuleystaan inay  hayinka u qabtaan Majaraha Qaranka.

Waxaa hubaal ah inay Xasaasiyad Daran ka dhalan karto Xilligan Kala-guurka ee Siyaasadda Somalia, ka hor inta aan loo codeynin Doorashooyinka Dadban ee Qaranka.

Qalalaasaha Siyaasadda iyo Carqaladaynta Nabadda ayaana laga cabsi qabaa inay xagal daaciyaan Deganaanshaha iyo Kala-dambaynta iyo in la gacan bidixeeyo ama, la biliqeysto Hantida Qaranka.

Muranka Saami-qeybsiga Qabaa’illada iyo Maamul-gobaleedyadda, Hanka Musharixiinta,  Isbaarada Siyaasiyiinta Sed-bursi-doonka iyo kuwa walfinayo Kiishashka Lacagta ayaa ka mid noqon kara Xaalladaha cakirnaanta ku abuuri kara Xilliga Kala-guurka Siyaasadda.

Si kastaba ha ahaatee, Hayaanka Xilliga Kala-guurka ayaa najixi kara haddii loo hoggaansamo Sharciga iyo Nidaamka Doorashadda, waxaana Musharixiinta la gudboon inaysan Xilka ku raadinin Xoog ama Xoolo ee ay noqdaan Siyaasiyiin Isku Kalsoon marka la gaaro Maalinta Kala-reebka Musharixiinta Xil-doonayaasha wada ah.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media